Waxaa la hirgalinayaa Dib-u-habeyn ku Haboon Adeeg Bixinta Muwaadiniinta - Wasiir Muferihat Kamil - ENA Af-Soomaali
Waxaa la hirgalinayaa Dib-u-habeyn ku Haboon Adeeg Bixinta Muwaadiniinta - Wasiir Muferihat Kamil

Addis Ababa, Dharrabley/Tir 27,2017 (ENA) – Wasiirka Shaqada iyo Xirfadaha, Muferihat Kamil ayaa sheegtay in dib-u-habaynta socota loo hirgalinayo yada oo lagu xaqiijinayo in muwaadiniinta ay helaan adeegyo waqti ku habboon.
Waxaa lagu qiimeeyay waxqabadkii wajigii koowaad ee dib u habeynta adeegga iyo maamulka dowladda oo ay hirgelisay wasaaradda iyo hay’adaha hoosyimaada.
Waxaa si faahfaahsan looga dooday howlaha la qabtay wejigii ugu horreeyay, oo ay ka mid yihiin diyaarinta macluumaadka, qaab-dhismeedka sharciyada, dib-u-habaynta hay'adaha, iyo hawlaha muhiimka ah ee kale.
Wasiirka Muferihat Kamil ayaa tilmaantay in dib-u-habaynta adeegyada iyo maamulka dowladda loo fulinayo si loo xaqiijiyo awooda fulineed ee hay'adaha.
Waxay sidoo kale sheegtay in kadib dhammaystirka wejiga koowaad, diyaargarow lagu jiro si loo guda galo wejiga xiga ee hirgelinta ficil ahaan.
Wasiirku waxay hoosta ka xariiqday in wejiga xiga ee dib-u-habaynta uu sidoo kale hubin doono bixinta adeegyo waqti ku habboon sida la qorsheeyay.
Dib-u-habayntan waxay xooga saaraysaa hagaajinta waxtarka adeeg bixinta, helitaanka, iyo caddaaladda ah, iyadoo sidoo kale lagu dagaallamayo xalinta caqabadaha iyada oo loo adeegsanayo tiknoolajiyadda.
Waxaa sidoo kale ay sheegay in wada hadallo heerar kala duwan ah la qabtay si loo hubiyo hufnaanta dib-u-habaynta adeegyada iyo maamulka dowladda ee wasaaradda iyo hay'adaha la shaqeeya.