Warbaahinta diintu waa in ay xoogga saarto xoojinta nabadda iyo wadajirka waarta ee Itoobiya: Wasiirka nabada Maxamad Idris - ENA Af-Soomaali
Warbaahinta diintu waa in ay xoogga saarto xoojinta nabadda iyo wadajirka waarta ee Itoobiya: Wasiirka nabada Maxamad Idris

Addis Ababa, Dharrabley/Tir 29, 2017 (ENA):- Wasiirka Nabadda, Mohammad Adris, ayaa sheegay in warbaahinta diintu ay ku dadaalaan sidii ay u xoojin lahaayeen nabadda, isu dulqaadashada iyo wadajirka Itoobiya.
Wasaaradda Nabadda oo kaashanaysa Hay’adda Warbaahinta Itoobiya ayaa kulan wadatashi ah oo ku saabsan dhismaha nabadda la yeelatay mas’uuliyiin ka tirsan warbaahinta diinta iyo khubarada.
Wasiirka Nabada Mohaammad Idiris, oo ka hadlay madasha ayaa sheegay in ay jirto warbaahin badan oo dhanka diimaha ah dalka.
Waxa uu tilmaamay in shaqada dhismaha jiilka soo socda ay tahay mid dalka lagu dhisayo, isagoo sheegay in warbaahinta diinta ay xil weyn ka saaran tahay dhismaha dalka.
wada uu sheegay in saxaafaddu ay tusaale u noqoto xoojinta nabadda, isu dulqaadashada iyo wadajirka Itoobiya.
Waxa uu tilmaamay in waxyaabaha ay ku qoran yihiin warbaahin kasta oo diineed ay muhiimad gaar ah siiso wadajirka iyo in la ixtiraamo caqiidada dadka kale.
Maadaama caqiidada dhammaan diimuhu ay tahay nabadda, waa inay lahaadaan barnaamij joogto ah oo ku saabsan nabadda, ayuu yiri wasiirku.
Jonathan Tesfaye oo ah ku xigeenka agaasimaha guud ee hay’adda warbaahinta ayaa sheegay in wareegtada cusub ee warbaahinta ay sahashay in warbaahinta diintu ay yeelato aqoonsi sharci ah.
Waxa uu tilmaamay in shaqo balaadhan laga qabtay diiwaan gelinta iyo aqoonsiga hay’adahan warbaahineed sanadihii lasoo dhaafay.
Sidoo kale waxa uu xusay in madashan ay tahay goob laga sameeyo wacyigelin ku aadan arrimaha suurtagelinaya in laga wada shaqeeyo horumarinta nabadda iyo wadajirka dalka.
Waxaa la filayaa in madasha lagu soo bandhigo lagana doodo qodobo horudhac ah oo diiradda lagu saaray nabada.
Mas’uuliyiin sarsare iyo khubaro ka tirsan Wasaaradda Nabadda, maamulka warbaahinta, iyo warbaahinta diinta ayaa madasha kasoo qayb galay.