Waxaa la saxiixay heshiisyo biyaha cabbitaanka ah oo ay Ku baxayso in ka badan 641 milyan oo birr

Addis Ababa, Dharrabley/Tir 30, 2017 (ENA): Wasaaradda Biyaha iyo Tamarta ayaa la saxiixatay hay'ado kala duwan laba heshiis oo ku saabsan dhismaha iyo maamulka qandaraasyada biyaha cabbitaanka ah.
Heshiisyadan waxaa kala saxiixday Wasiirka Biyaha iyo Tamarta, Dr. Habtamu Itefa, iyo wakiillada hay'adaha kala duwan.

Heshiiska koowaad wuxuu ku saabsan yahay mashruuc biyaha cabbitaanka oo qayb ka ah barnaamijka One WASH Program ee Wasaaradda Biyaha iyo Tamarta.


 

Mashruucani wuxuu ka hirgali doonaa degmada Tarema Ber ee Gobolka Amhara, waana mashruuc qiimihiisu ka badan yahay 631 milyan oo Birr, oo ay ku jiraan sahayda agabka.

Mashruuca biyaha cabbitaanka waxaa la filayaa inuu daboolo baahida in ka badan 21,000 oo qof, iyadoo la rajeynayo in la dhammaystiro muddo 18 bilood gudahood ah.

Heshiiska labaad wuxuu diiradda saaraya maamulka iyo qandaraasyada biyaha cabbitaanka ee laga hirgelin doono degmada ku xeeran magaalada Hawassa. Mashruucan waxaa la filayaa in lagu dhammaystiro muddo 15 bilood ah, iyadoo qarashka ku baxaya uu ka badan yahay 10 milyan oo Birr.

Xogta laga helayo wasaaradda ayaa sheegaysa in Wasiirka Biyaha iyo Tamarta, Dr. Habtamu Itefa, uu sheegay in mashruucyadani lagu fulin doono waqtigii loogu talogalay oo tayo leh, isla markaana ay dabooli doonaan baahida bulshada ee biyaha nadiifta ah.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015