Shirweyne heer Qaran ah oo Waaxda Jiddadka ayaa ka Socda Magaalada Gondar

Addis Ababa, Dharrabley/Tir 30/2017 (ENA) – Shirweynaha qaran ee waaxda waddooyinka oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Horumarinta Magaalooyinka iyo Kaabeyaasha Dhaqaalaha ayaa ka socda magaalada Gondar.


 

Shirka waxaa ka qayb galay Wasiirka Horumarinta Magaalooyinka iyo Kaabeyaasha Dhaqaalaha Chaltu Sani, Madaxweyne ku xigeenka gobolka Amxaarada Dr. Abdu Hussein, Ku-xigeenka Maayarka Magaalada Gondar Chalachew Dagne, hoggaanka gobolka axmaarada iyo wakiillo ka socda daneeyayaasha kale.

Xogta lago helayo xafiiska warfaafinta ee gobolka axmaarada ayaa sheegaysa in Shirkan lagu qiimeynayo waxqabadka lixdii bilood ee lasoo dhaafay ee dhismaha kaabeyaasha waddooyinka ee heer qaran.

#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

#Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015