Wadanka Luxembourg ayaa wada dadaalo lagu taageeraya xarumaha daryeelka dadka baahiyaha gaarka ah qaba - ENA Af-Soomaali
Wadanka Luxembourg ayaa wada dadaalo lagu taageeraya xarumaha daryeelka dadka baahiyaha gaarka ah qaba

Addis Ababa, Cirir/ Yakaatiit 5/2017 (ENA): Wadanka Luxembourg ayaa DDS ka taageeraya casriyaynta iyo qalabaynta xarunta daryeelka dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee Jigjiga. Dhagaxbuurna ka fulinaya adeeg noocan oo kale ah.
Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed ayaa kulan la qaatay wafdi ay hoggaaminayso, Ambassador Jeanne Krauser oo ah Safiirka Wadanka Luxembourg iyagoo Deegaanka ka taageeraysa casriyaynta iyo qalabaynta xarunta daryeelka dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee magaalada Jigjiga, islamarkaasina cusbitaalka Dhagaxbuur ka hirgalinaysa adeeg noocan oo kale ah.
Ugu dambayntii, Mashruucyadan ayayna sheegeen in muddo 2 sano ah ay ku dhamayn doonaan.