Bandhig sawireed oo halku-dhig looga dhigay “Nabadda iyo Dhaqaalaha Itoobiya” ayaa ka furmay magaalada Butajira - ENA Af-Soomaali
Bandhig sawireed oo halku-dhig looga dhigay “Nabadda iyo Dhaqaalaha Itoobiya” ayaa ka furmay magaalada Butajira

Butajara, Cirir/ Yakaatit 6/2017 (ENA): Bandhig sawireed oo ay soo qaban qaabisay Wakaaladda Warbaahinta Itoobiya oo halku-dhiggiisu yahay “Nabadda iyo Dhaqaalaha Itoobiya” ayaa ka furmay magaalada Butajira ee deegaanka badhtamaha Itoobiya.
Marka laga soo tago bandhigga, waxaa la qaban doonaa dood cilmiyeed halku-dhigeedu yahay “Nabadda iyo Dhaqaalaha Itoobiya”.
Hay'adda ayaa la xasuustaa inay qabanqaabisay qaybtii koowaad ee dood cilmiyeedkan oo lagu qabtay magaalooyinka kala duwan ee dalka iyadoo halku-xidh looga dhigay "Nabadda iyo dhaqaalaha Itoobiya".
Bandhiga sawirada oo qayb ka ah madasha dood cilmiyeedka maanta ka furmaya magaalada Butajira ayaa waxaa furitaankiisa goob-joog ka ahaa madaxa maamulka deegaanka badhtamaha Itoobiya Dr. Indashaw Tasew iyo madax sare ee federaalka.
Bandhiga sawirku waxa lagu soo jeediyay waxqabadyada beeraha, qiyamka dhaqanka iyo goobaha dalxiiska ee deegaanka badhtamaha Itoobiya.
Intaa waxaa dheer, sawirro muujinaya xaflado nabadeed oo soo jireen ah oo gacan ka gaysanaya in la helo nabad waarta iyo xoojinta wadajirka dadka ayaa sidoo kale la soo bandhigay.
Barnaamijka ayaa waxaa ka soo qeyb galay madaxda sare ee dowladda federaalka, kuwa maamulka deegaanada iyo marti sharaf lagu casuumay.
#Wakaaladda_wararka_Itoobiya