Waxaa lagu heshiiyey in la dhiso Hay’adda Maareynta Waddada iskuxidha Itoobiya iyo Jabuuti

Addis Ababa; Cirir/Yakaatiit 05/2017 (ENA):kulanka wadatashiga ee lagu dhisayo Hay’adda Maareynta Waddada iskuxidha Itoobiya iyo Jabuuti ayaa maanta la soo gabagabeeyey, iyadoo heshiis laga gaaray. 

 Waxaa si weyn looga dooday heerka guddiga farsamada ee isku dhafka ah ee labada dal kaas oo ku saabsanaa dhismaha Hay’adda Maareynta Waddada Itoobiya iyo Jabuuti.


 

 Kulankaas waxaa lagu heshiiyey in agab kala duwan lagu daro dukumentiga aasaaska qabyada ah ee laba geesoodka ah, laguna dhameeyo muddo bil gudaheed ah, diyaarna u ah in la saxiixo.

 Sida laga soo xigtay safaaradda Itoobiya ee Jabuuti, wada-hadalladii labadii maalmood ee la soo dhaafay socday ayaa ku dhammaaday in la kala saxiixdo qodobbadii lagu heshiiyey iyo war-murtiyeed wadajir ah.


 

 Kulankaas ayaa goob joog ka ahaa Wasiirka Gaadiidka iyo Saadka Alemu Sime (Dr.), Wasiirka Kaabayaasha dhaqaalaha iyo Qalabeynta ee Jabuuti mudane Xasan Xaamud, Wasiirka Ganacsiga iyo Dalxiiska ee Jabuuti mudane Maxamed Warsama iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan labada dal.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015