Lixdii bilood ee lasoo dhaafay waxaa lasoo xareeyey 8.35 bilyan oo birr- Maxamed Cabdi - ENA Af-Soomaali
Lixdii bilood ee lasoo dhaafay waxaa lasoo xareeyey 8.35 bilyan oo birr- Maxamed Cabdi

Addis Ababa, Cirir/ Yakaatiit 6/2017 (ENA): Madaxa Xafiiska Dakhliga DDS Mudane Maxamed Cabdi, oo saaka warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in lixdii bilood ee ugu horreysay ee sanadkan la soo xareeyay dakhli dhan 8.35 bilyan oo birr.
Waxa uu sidoo kale xusay in nidaamkii hore ee risiidhada la beddelay, isla markaana ganacsatada ay hadda isku diiwaan geliyaan nidaamka cusub, taasoo kor u qaadaysa hufnaanta iyo daah-furnaanta habka ururinta dakhliga.