Itoobiya waxay kor u qaaday sharafta iyo sumcadeeda iyada oo soo dhoweynaysa martideeda – Danjire Birtukaan Ayano - ENA Af-Soomaali
Itoobiya waxay kor u qaaday sharafta iyo sumcadeeda iyada oo soo dhoweynaysa martideeda – Danjire Birtukaan Ayano

Addis Ababa, Cirir/ Yakaatiit 7/2017 (ENA): Danjire Birtukaan Ayaano, oo ah Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Itoobiya iyo xoghayaha guddiga qaran ee qaban-qaabada shir-madaxeedka 38-aad ee Midowga Afrika, ayaa sheegtay in Itoobiya ay si wanaagsan uga shaqaynayso diyaarinta iyo martigelinta shirka, taasoo muujinaysa sharafteeda qaran iyo horumarka muuqda ee ay gaadhay.
Waxay xustay in sanadkii hore shirkii Midowga Afrika ay ka soo qayb galeen 25 hoggaamiye, halka sanadkan la filayo in 35 madaxweyne ay ka soo qaybgalaan.
Danjire Birtukaan waxay caddeysay in martida shirka ka qayb galaysa laga soo bilaabo garoonka diyaaradaha loo sameeyey soo dhoweyn heer sare ah, si muddada ay joogayaan Addis Ababa ay ugu raaxaystaan. Waxa ay sidoo kale tilmaantay in shirkan uu fursad muhiim ah u yahay Itoobiya si ay dunida ugu soo bandhigto horumarkeeda iyo muuqaalkeeda cusub.
Waxay sheegtay in magaalada Addis Ababa ay martigelisay in ka badan 40 shir caalami ah, taasoo sare u qaadaysa koboca dalxiiska shirarka iyo magaaladan oo ah xarunta diblomaasiyadda Afrika.
Ugu dambayn, Danjire Birtukaan waxay xustay in isbedelka ka muuqda Addis Ababa uu la yaab ku noqday martida, taasoo sii xoojinaysa doorka magaalada ee ah xarunta diblomaasiyadda Afrika.
#Itoobiya
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya
#AU