Taageerada lagu xoojinayo dib-u-habaynta nidaamka cuntada ee Afrika ayaa sii socon doonta – Agaasimaha Guud ee FAO, Qu Dongyu

Addis Ababa, Febraayo 14, 2025 (ENA): Agaasimaha Guud ee Hay’adda Cunnada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO), Qu Dongyu, ayaa sheegay in taageerada lagu horumarinayo nidaamka cuntada ee Afrika la xoojin doono si looga jawaabo caqabadaha jira.

Shir looga hadlayay arrimaha caafimaadka, horumarka bulshada, iyo xuquuqda aadanaha ee Midowga Afrika ayaa lagu qabtay Addis Ababa, iyadoo hal-ku-dhaggiisu ahaa "Siyaasadda ilaa ficil: Iskaashi wadajir ah si wax looga qabto cunto yarida Afrika."

Shirkan waxaa ka qayb galay Ra'iisul Wasaare Kuxigeenkii hore ee Itoobiya, Dhamaqa Makonnen, madaxda dalalka Afrika, mas'uuliyiin ka socda hay’adaha caalamiga ah, Ra'iisul Wasaarihii hore ee Kenya, Raila Odinga, iyo Wasiirka Caafimaadka Itoobiya, Dr. Maqdhas Dhaaba.

Agaasimaha FAO, Qu Dongyu, ayaa sheegay in caalamku wajahayo caqabado waaweyn oo la xiriira sugnaanta cuntada iyo nidaamka sahayda cuntada oo aan hagaagsanayn.

Wuxuu xusay in Afrika ay si gaar ah u saameeyeen caqabadaha sugnaanta cuntada, taasoo caqabad ku ah horumarka waara ee qaaradda. Sidaas darteed, wuxuu carrabka ku adkeeyay in la xoojiyo wax soo saarka beeraha si loo helo nidaam cunto oo waara, iyadoo FAO ay si buuxda u garab taagan tahay dadaalladan.

Ra’iisul Wasaaraha Lesotho, Sam Matekane, oo isna ka hadlay shirka, ayaa xusay in nidaamka cuntada ee liita uu si toos ah u saameeyo koboca dhaqaalaha iyo horumarka bulshada ee Afrika.

Sidoo kale, Madaxweyne ku-xigeenka Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB), Nina Nwabufo, ayaa sheegtay in bangigu uu kor loo qaadayo taageerada dhaqaale ee lagu horumarinayo nidaamka cuntada ee Afrika.

Ugu dambayn, shirka ayaa lagu xusay dadaallada ay Itoobiya waddo si ay u gaarto sugnaanta cuntada iyo horumarinta nidaamka sahayda cuntada. Waxaa la ballan qaaday in la xoojin doono taageerada lagu kobcinayo wax soo saarka beeraha iyo sugnaanta cuntada ee Afrika.

#Itoobiya
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya
#FAO

Wakaalada Warka Itoobiya
2015