Madaxwayne Mustafe oo qaab fogaan arag ah kaga qaybgalay munaasibad ka dhacday magaalada Melbourne ee caasimadda wadanka Australia - ENA Af-Soomaali
Madaxwayne Mustafe oo qaab fogaan arag ah kaga qaybgalay munaasibad ka dhacday magaalada Melbourne ee caasimadda wadanka Australia

Addis Ababa, Cirir/ Yakaatiit 1/2017 (ENA): Munaasibadaas ayaa lagusoo dhawaynayay maalinta aas-aaska DDS
Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed oo habka foggaan aragga ee kaga qaybgalay kulan wayne ay qurbajoogta ku dhaqan wadanka Australia kusoo dhawaynayaan maalintii la aas-aasay Dawlad Deegaanka Soomaalida ee 23-ka January oo ka qabsoontay magaalada Melbourne.
Madaxweynaha ayaa sheegay in ay aad ufarxad galinayso jaaliyad muujinaysa laxjeclada dadkooda oo munaasibaddo noocan oo kale ah isugu imanaya si ay umuujiyaan midnimada iyo wadajirkooda. Madaxwaynaha ayaa xusay in isbaddelkii kaddib Xukuumadda Deegaanka ee lix sano jirsatay ay wax badan uqabsoomeen.
Dadka qurbajoogta'ihi way is abaabulaan, biyo-dhaamin iyo taageerooyin kala duwan ayay dadkooda lasoo garab istaagaan, marka waxaan idinkula dardaarmayaa in hawlahaasi tabarucaadka ah aad sii xoojisaan maadaama hadda lagalayo bishii barakaysnayd ee Ramadaanta", Mudane Mustafe Muxummed Cumar, Madaxweynaha DDS.