Suuqyada Axadda ee tooska ah ee isku xiraya beeralayda iyo Macaamiisha ayaa sii fidaya – Dr. Kassahun Gofe - ENA Af-Soomaali
Suuqyada Axadda ee tooska ah ee isku xiraya beeralayda iyo Macaamiisha ayaa sii fidaya – Dr. Kassahun Gofe

Addis Ababa, Cirir/ Yakaatiit 8/2017 (ENA): Wasaaradda Ganacsiga iyo Xidhiidhka Gobolka ee Itoobiya ayaa sheegtay in dadaallada lagu horumarinayo suuqyada Axadda ee tooska u xiriiriya wax-soo-saareyaasha iyo macaamiisha ay guulo la taaban karo ka gaareen.
Wasiirka Ganacsiga iyo Xidhiidhka Gobolka, Dr. Kassahun Gofe, ayaa booqday suuqyada iyo xarumaha ganacsiga ee magaalada Butajira ee deegaanka bartamaha Itoobiya, halkaas oo uu kula kulmay ganacsatada iyo macaamiisha ka faa'iidaysanaya nidaamkan cusub.
Wasiirku wuxuu xusay in in ka badan 1,213 suuqyada Axadda ah laga hirgeliyay goobo kala duwan oo dalka ah, taas oo fududeysay in badeecadaha lagu kala iibsado qiimo macquul ah. Isaga oo arrinta sii faahfaahinaya, wuxuu sheegay in nidaamkan uu gacan ka geysanayo yareynta farqiga u dhexeeya wax-soo-saareyaasha iyo macaamiisha, taas oo sahleysa in la helo badeecado qiime jaban ah.
Sidoo kale, waxaa la qorsheynayaa in suuqyada si rasmi ah loo xoojiyo, si looga hortago sare u kaca sicirka badeecadaha, wuxuuna Wasiirku xaqiijiyay in dadaalkaasi sii socon doono.
Dhanka kale, Madaxa Xafiiska Horumarinta Ganacsiga iyo Suuqyada ee Deegaanka Bartamaha Itoobiya, Daniyeel Dhamtew, ayaa sheegay in qorshayaasha qaran ee wax lagaga qabanayo sicir-bararka la hirgeliyay, isla markaana natiijo wanaagsan laga gaaray.
Waxaa la sheegay in 134 suuqyada Axadda ah oo laga dhisay deegaanka ay si aan kala go’ lahayn u shaqeynayaan, taas oo gacan ka geysaneysa la dagaallanka sare u kaca qiimaha badeecadaha.
Mas’uuliyiinta ka kala socday Wasaaradda Ganacsiga iyo Xidhiidhka Gobolka, deegaannada iyo xafiisyada horumarinta suuqyada ayaa ka qeyb galay kormeerka la sameeyay.
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya #SuuqyadaAxadda