Raysal Wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Axmed ayaa wadahadallo la yeeshay madaxweynayaasha Botswana iyo Koonfur Afrika

Addis Ababa, Cirir/ Yakaatiit 8/2017 (ENA): Raysal Wasaare Dr. Abiy Axmed ayaa kulan la qaatay madaxweynaha Botswana, Duma Boko, iyo madaxweynaha Koonfur Afrika, Syril Ramafosa, inta lagu guda jiro shir-madaxeedka 38-aad ee Midowga Afrika.


 

Intii lagu jiray wadahadallada, madaxda Itoobiya iyo dalalkan kale ayaa muujiyay rabitaankooda ku aaddan xoojinta iskaashiga ay ku leeyihiin arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah, sida uu Raysal Wasaaruhu ku sheegay bartiisa X.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015