Si loo xaqiijiyo barwaaqada Afrika, waa lama huraan in si go’aan leh looga shaqeeyo cadaaladda, tayada waxbarashada, iyo helitaankeeda - ENA Af-Soomaali
Si loo xaqiijiyo barwaaqada Afrika, waa lama huraan in si go’aan leh looga shaqeeyo cadaaladda, tayada waxbarashada, iyo helitaankeeda

Addis Ababa, Cirir/ Yakaatiit 9/2017 (ENA): Si loo xaqiijiyo barwaaqada Afrika, muhiim ayey tahay in si go’aan leh looga shaqeeyo cadaaladda, tayada waxbarashada, iyo helitaankeeda, sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga ee Mauritania, Dr. Maxamed Saalax.
Shir lagaga hadlayey tayada waxbarashada, horumarinta xirfadaha, maalgelinta waxbarashada, iyo suurtagalnimada in la helo waxbarasho tayo leh oo la awoodi karo, ayaa la qabtay.
Intii lagu guda jiray shirka, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Mauritania, Dr. Maxamed Saalax, ayaa sheegay in caqabadaha ka jira tayada iyo helitaanka waxbarashada ay sabab u yihiin carruur badan oo ka haraya waxbarashada.
Sidoo kale, wuxuu xusay in si loo xaqiijiyo danta carruurta iyo muwaadiniinta Afrika, loo baahan yahay in la dhiso nidaam waxbarasho tayo sare leh.
Wuxuu hoosta ka xarriiqay in waxbarashada ay tahay saldhigga horumarka qaranka, isla markaana, si loo gaaro himilooyinka Afrika ee ku cad Ajendaha 2063, ay lagama maarmaan tahay in wadamada Afrika iska kaashadaan sidii kor loogu qaadi lahaa tayada iyo helitaanka waxbarashada.
Guddoomiyaha Waxbarashada, Sayniska, Teknolojiyadda, iyo Hal-abuurka ee Midowga Afrika, Brofessor Maxamed Belhoseni, ayaa dhinaciisa xusay in aqoonta, hal-abuurka, iyo xirfadaha tayaysan ay lagama maarmaan u yihiin horumarka Afrika.
Wuxuu ugu baaqay dalalka Afrika inay xoogga saaraan sidii loo horumarin lahaa waxbarashada si loo gaaro yoolalka horumarineed ee la hiigsanayo.
Ilaa hadda, dadaallo kala duwan ayaa laga sameeyey hagaajinta tayada waxbarashada ee Afrika, balse waxaa la sheegay in loo baahan yahay dadaal dheeraad ah si loo xaqiijiyo isbeddel waara.
Agaasimaha UNICEF ee Bariga iyo Koonfurta Afrika, Itelefa Kadili, ayaa xusay in dadaalka lagu hagaajinayo waxbarashada uu u baahan yahay sii wadis joogto ah iyo wada shaqayn dhow oo ay yeeshaan dowladaha, hay’adaha maxalliga ah, iyo bulshada.
Waxa uu UNICEF xaqiijiyey in ay sii xoojin doonaan taageeradooda ku aaddan horumarinta waxbarashada carruurta Afrika si loo xaqiijiyo waxbarasho tayo leh oo la heli karo.
Shirweynaha 38-aad ee Hoggaamiyeyaasha Midowga Afrika oo shalay ka furmay xarunta guud ee ururka, ayaa maanta sii soconaya, waxaana diiradda lagu saarayaa mawduuca "Cadaaladda iyo Horumarka Afrikaanka".
#ShirkaMidowgaAfrika #Ethiopian_News_Agency #Diblomaasiyadda
#AU_Summit #ENA #Itoobiya