Midowga Afrika oo xooga saaraya in xal loo helo khilaafaadka dalalka ay colaadaha iyo xasilooni darradu ka jirto, iyadoo loo marayo wada-hadal - ENA Af-Soomaali
Midowga Afrika oo xooga saaraya in xal loo helo khilaafaadka dalalka ay colaadaha iyo xasilooni darradu ka jirto, iyadoo loo marayo wada-hadal

Addis Ababa, Cirir/ Yakaatiit 9/2017 (ENA): Midowga Afrika ayaa sheegay inuu dadaal badan ku bixinayo sidii khilaafaadka ka jira qaaradda loogu xallin lahaa wada-hadal, loona sugi lahaa nabad waarta. Sidaas waxaa sheegay Komishineerka Arrimaha Siyaasadda, Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika, Bankole Adeoye, oo ka hadlayay shir-madaxeedka 38-aad ee Midowga Afrika.
Komishineerka ayaa xusay in isbeddelka hawlgalkii nabad-ilaalinta ee Soomaaliya, oo hore loogu odhan jiray AMISOM, iskuna beddelay ATMIS, uu ku yimid wadahadal ballaaran oo ay dhammaan dhinacyadu qeyb ka ahaayeen, si loo xaqiijiyo nabadgalyo lagu heshiiyay.
Sidoo kale, wuxuu sheegay in Midowga Afrika uu dadaal badan ku bixinayo in wadaxaajood lagu dhameeyo xiisadaha ka jira Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo (DRC), isagoo la kaashanaya ururrada gobollada Bariga iyo Koonfurta Afrika.
Komishanka ayaa xusay in dhaqdhaqaaqa fallaagada ka dagaallanta gudaha DRC uu sii hurinayo colaadda, loona baahan yahay in la joojiyo si nabad waarta loo helo.
Sida oo kale, wuxuu tilmaamay in dagaalka Suudaan uu u baahan yahay in la joojiyo, loona maro wadahadal ay hoggaaminayaan shacabka Suudaan, oo ay qeyb ka yihiin hoggaamiyeyaasha siyaasadeed iyo kuwa milatariga, si xal rasmi ah loo gaaro.
Komishineerka ayaa intaa ku daray in xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha ee ka dhasha colaadaha aan la aqbali karin, loona baahan yahay in la fuliyo xabad-joojin degdeg ah.
Waxaa kale oo uu soo dhaweeyay in 10 kooxood oo ka tirsan hoggaanka siyaasadeed ee Liibiya ay gaareen heshiis wadahadal ah, taasoo uu sheegay inay qeyb ka noqon karto nabadda waarta ee dalkaas.
Ugu dambeyn, Komishineerka Midowga Afrika ayaa carrabka ku adkeeyay in xal u helidda colaadaha Afrika lagu gaari karo fikradda ah “Xalka Afrika ee dhibaatooyinka Afrika”, isagoo tusaale u soo qaatay heshiiskii Pretoria, oo lagu xalliyay colaaddii ka jirtay waqooyiga Itoobiya, kuna sheegay mid wax badan laga baran karo.