Waan la dhacay isbeddelka iyo guusha horumarka ee ay shacabka iyo dowladda Itoobiya ku gaadheen midnimo- Boqor Mswaati III

Addis Ababa, Cirir/ Yakaatiit 1/2017 (ENA): Boqorka Eswatini, Mswati III, ayaa sheegay in uu aad ula dhacay isbeddelka iyo guulaha horumarka ee ay shacabka iyo dowladda Itoobiya ku gaadheen midnimo.

Madaxweynaha Itoobiya, Taaye Asqasilaase, iyo Boqor Mswati III ayaa yeeshay kulan iyo booqasho rasmi ah oo ay ku tageen Madactooyada Qaranka ee Itoobiya.

Boqorka Eswatini, oo xukunka hayay tan iyo 1986-kii isagoo 18 jir ah, ayaa u waramay Wakaaladda Wararka Itoobiya (ENA) in uu aad ugu farxay booqashadii uu ku tagay xarunta madaxtooyada Qaranka, intii lagu jiray casuumadda uu u sameeyay madaxweynaha Itoobiya.

Wuxuu xusay in dhismaha madaxtootada Qaranka uu xambaarsan yahay taariikh badan, maadaama uu yahay goob ay hore ugu wada hadleen hoggaamiyeyaashii Afrikaanka ee hore, ayna ka gaareen go'aamo waaweyn oo go'aaminaya masiirka qaaradda, oo ay ku jirto xilliyadii gumeysiga iyo halgankii midnimada Afrika.

Wuxuu tilmaamay doorkii muhiimka ahaa ee ay hoggaamiyeyaasha Itoobiya, oo uu ku jiro Boqor Xayle Silaase, ka qaateen horumarka Afrika iyo dadaalladii midnimada qaaradda.

Boqorka ayaa xusay in inta uu joogay Itoobiya uu arkay isbeddello waaweyn oo horumarineed. Wuxuu si gaar ah uga hadlay horumarka ka jira dhinacyada dhismaha, teknoolojiyadda, iyo qaybaha kale ee horumarka, isaga oo shacabka iyo dowladda Itoobiya ugu hambalyeeyay guulaha ay gaareen.

Boqorka Eswatini ayaa sidoo kale uga mahadceliyay shacabka Itoobiya sida ay si diiran u soo dhaweeyeen hoggaamiyeyaasha Afrika ee ka qeybgalaya shir-madaxeedka 38-aad ee Midowga Afrika, kaasoo ka socda Addis Ababa.

Wuxuu sheegay in shir-madaxeedka Midowga Afrika lagu gorfeynayo ajendayaal muhiim ah oo lagu dhisayo mustaqbal wanaagsan oo ay Afrika leedahay, isaga oo xusay in hoggaamiyeyaasha qaaraddu ay ka go’an tahay dardar-gelinta isbeddellada ay Afrika u baahan tahay, loona baahan yahay in si wadajir ah looga shaqeeyo guulaha waaweyn ee la hiigsanayo.

Eswatini waxay safaaraddeeda ka furatay Addis Ababa sanadkii 2004, halka Itoobiya ay xoojisay xiriirka diblomaasiyadeed ee ay la leedahay Eswatini iyada oo u maraysa safaaraddeeda ku taalla Koonfur Afrika.

#Shir_Madaxeedka_Midowga_Afrika #Wakaalada_Wararka_Itoobiya #Diblomaasiyad #Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015