Shirkii caadiga ahaa ee 38-aad ee Midowga Afrika ayaa si habsami leh u soo gabagabooday – Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.) - ENA Af-Soomaali
Shirkii caadiga ahaa ee 38-aad ee Midowga Afrika ayaa si habsami leh u soo gabagabooday – Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.)

Addis Ababa; Cirir/Yakaatit 10/2017 (ENA): Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.) ayaa sheegay in si habsami leh shirweynihii 38-aad ee Midowga Afrika uu u gabagbooday.
Sida ku cad fariinta Ra’iisul Wasaaraha uu soo dhigay bartiisa xidhiidhka bulshada, dalkeena Itoobiya waxa uu gutay waajibaadkii ka saarnaa in uu noqdo dal xarun u ah Ururka. Waxa uu sheegay in soo dhawayntii, marti-qaadkii iyo barnaamajyadiiba ay aad ula dhaceen martidu, iyada oo ku reebtay martideedii xusuus aan la ilaawi karin iyo xusuus aan duugoobayn. Taas awgeed, marti badan ayaa joogitaankeeda dheeraystay.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhambaalkiisa ku sheegay in Itoobiya ay muujisay sida ay uga go’an tahay ka midho-dhalinta himilooyinka iyo mabaadi’da Ururka iyadoo loo marayo abaabulka iyo martigelinta shirka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in xubno badan ay ka mid yihiin Diblomaasiyiin shisheeye, khubarada hab-maamuuska, Telecomka iyo xarumaha korantada, Ethiopian Airlines, xarumaha amniga, Booliska Taraafikada, dhalinyarada mutadawiciinta ah, warbaahinta, fanaaniinta iyo xubnaha wareegga, hoteellada, mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda Addis Ababa iyo khubarada nadaafadda ay qayb libaax ka qaateen shirka Midowga Afrika in uu u noqdo mid guuleysta.
Wuxuu sheegay in shacabka ku dhaqan magaalada Addis Ababa ay sameeyeen wax kasta oo laga sugayo, iyagoo siinaya ixtiraam iyo soo dhoweyn wanaagsan martida, una dulqaatay markii waddooyinka la xidhay.
Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.) ayaa dhammaantood aad ugu mahadceliyey magaca dawladda Itoobiya.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in uu aad ula dhacay habdhaqankii, ixtiraamkii, nidaam iyo wadaniyad ku dhisanaa ee lagusoo dhaweeyay martidii timid.
Ra'iisul wasaraha ayaa farrintiisa ku sheegay In ka badan kun qof oo warbaahin ah ay u soo bandhigeen wejigeena ugu fiican adduunka. Waxa uu sheegay in tobanaan kun oo marti ah ay markhaati ka noqdeen koboca dalkeena.
Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa sheegay in uu aaminsanahay in wadashaqeynta iyo ka go’naashaha guusha dalkeena ay sii socon doonto shirka ka dib.
Gabagabadii ra'iisal wasaaraha ayaa mar-labaad ugu mahad naqay xubnihii ka qayb qaatay qabanqaabista shirka.