Shirkii sideedaad ee ganacsiga Afrika ayaa ka furmay magaalada Addis Ababa - ENA Af-Soomaali
Shirkii sideedaad ee ganacsiga Afrika ayaa ka furmay magaalada Addis Ababa

Addis Ababa; Cirir/Yakaatiit 10/2017 (ENA): Shirka Sideedaad ee Ganacsiga Afrika ayaa ka furmay magaalada Addis Ababa.
Shirkan ayuu halku-dhiggiisu noqon doonaa “Horumar ilaa Barwaaqo; "Xoojinta Awoodda Silsiladaha Qiimaha ee qaaradda Afrika".
Shirka waxaa ka qeybgalaya madaxweynaha JDFI Taye Askesilase, wakiilo ka socda ururada bulshada rayidka ah, hay’adaha dowladda, jilayaasha ganacsiga gaarka, ururada horumarinta, safiirro dalal kala duwan, iyo hay’adaha maaliyadda.
Madasha ganacsigan ayaa diiradda lagu saari doono horumarinta silsiladaha qiimaha gobolka iyo aagagga gaarka ah ee dhaqaalaha Afrika ee xoolaha, beeraha iyo daawooyinka.
Dawladaha, bulshada dhaqaalaha gobolka, hay'adaha maaliyadeed iyo ganacsiga gaarka ah ee Afrika ayaa ka wada hadli doona shaqada ay qabanayaan si loo hubiyo kordhinta qiimaha, horumarinta warshadaha waara, isticmaalka tignoolajiyada casriga ah, shaqo abuurka iyo sugnaanta cuntada.
Madasha ayaa sidoo kale la sheegay inay ka talo bixinayso shuruudaha kor loogu qaadayo ilaha maalgashiga ee horumarinta silsiladaha qiimaha qaaradda iyo aagagga dhaqaale ee gaarka ah.
Madashan ayaa waxaa soo qabanqaabiyay guddiga dhaqaalaha Afrika u qaabilsan Qaramada Midoobay oo kaashanaya hay’adda maaliyadda ee Afrika iyo bangiga horumarinta dhaqaalaha Carabta.
Madasha Ganacsiga Afrika ayaa la qabtaa sanadkiiba mar illaa sanadkii 2018 t.y.
Guddigu wuxuu sheegay in madashu ay abuurtay jawi ay dawladaha, maalgashadayaasha, isuduwayaasha mashaariicda iyo daneeyayaasha si ay uga doodaan Yoolalka Horumarka Waara, fursadaha, caqabadaha iyo jawaabaha wax ku oolka ah ee lagu gaarayo hindisayaasha Ajendaha 2063-ka.
#ENA