Shirkii 38-aad ee Hoggaamiyeyaasha Midowga Afrika oo si heer sare ah uga duwan kuwii hore u qabsoomay, ayaa shalay si rasmi ah loo soo gabagabeeyay – Duqa Magaalada Addis Ababa, Adanech Abebe

Addis Ababa, Cirir/yekatit 10, 2017 (ENA): Maayarka magaalada Addis Ababa, Adanech Abiebie, ayaa sheegtay in Shir madaxeedkii38-aad ee Hoggaamiyeyaasha Midowga Afrika uu si heer sare ah u qabsoomay, isagoo aad uga duwanaa kuwii hore, isla markaana xalay si rasmi ah loo soo gabagabeeyay.

Duqa magaalada ayaa farriin ay soo dhigtay boggeeda baraha bulshada waxay ku sheegtay in shirka uu magaalada Addis Ababa u keenay sumcad sare iyo dhaqaale, marka laga soo tago in uu kor u qaaday soo jiidashada dalxiiska, quruxda magaalada, iyo dhaqanka soo dhaweynta iyo martigelinta shacabka reer Addis Ababa.


 

Sidoo kale, waxay tilmaantay in magaalada Addis Ababa, sidii lagu yaqaan, ay si xilkasnimo leh u martigelisay shirka, iyada oo la kaashatay hay’adaha federaalka iyo shacabka magaalada. Arrintan ayaa mar kale muujisay sida ay Itoobiya iyo guud ahaan Afrika ugu midaysan yihiin himilo wadaag ah oo horumarineed.

Maayarka magaalada ayaa sheegtay in martidii ka qeyb gashay shirka ay aad ula dhaceen isbeddelada magaalada, ayna jecleysteen joogitaanka Addis Ababa, isla markaana ay muujinayeen rabitaankooda ah in ay mar kale kusoo laabtaan.


 

Ugu dambeyn, waxay mahad celin ballaaran u jeedisay shacabka magaalada Addis Ababa, iyadoo uga mahad celisay sida hagar la’aanta ah ee ay u soo dhaweeyeen martida, dulqaadkooda xilliyadii waddooyinka xirmaan, iyo doorkooda wanaagga ku dhisan ee ay ka qaateen martigelinta shirkan heerka sare ah.

#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya #ENA
#ShirkaAUSummit #MidowgaAfrika #Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015