Ra’iisul Wasaare Abiy (Dr.) aya la kulmay Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Boqortooyada Ingiriiska

Addis Ababa, Cirir/ Yakaatiit 10/2017 (ENA): Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Dr. Abiy Ahmed, ayaa kulan la xiriira arrimaha labada dal iyo kuwa caalamiga ah la yeeshay Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Boqortooyada Ingiriiska, Angela Rayner.

Dr. Abiy ayaa bartiisa baraha bulshada ku sheegay in uu maanta kulan miro dhal ah la qaatay Angela Rayner, iyagoo ka wada hadlay arrimo muhiim ah oo khuseeya labada dal iyo arrimo caalami ah.


 

Wuxuu xusay in Itoobiya iyo Boqortooyada Ingiriiska ay leeyihiin xiriir taariikhi ah oo qoto dheer.

Dhankeeda, Angela Rayner ayaa sheegtay in booqashadeedu ay sii xoojin doonto xiriirka ka dhexeeya labada dal.

Marka la eego mustaqbalka, labada dhinac waxay diiradda saari doonaan xoojinta iskaashiga ganacsiga iyo dhaqaalaha, oo dhaafsiisan xiriirka diblomaasiyadeed iyo siyaasadeed.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015