Armenia oo dooneysa xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee ay la leedahay Itoobiya

Addis Ababa, Cirir/ Yakaatiit 12/2017 (ENA): Danjiraha Armenia ee Itoobiya, Sahak Sargsyan, ayaa sheegay in dalkiisu uu xiiseynayo ballaarinta xiriirka laba geesoodka ah iyo kan heer goboleed ee uu la leeyahay Itoobiya.

Danjiraha oo la hadlay Wakaalada Wararka Itoobiya (ENA) ayaa xusay in labada dal ay leeyihiin xiriir diblomaasiyadeed oo 30 sano ah, isla markaana Armenia ay dooneyso sii xoojinta iskaashigaas.


 

Wuxuu tilmaamay in Armenia iyo Itoobiya ay horey u kala saxiixdeen heshiisyo iskaashi oo dhinacyo kala duwan ah, islamarkaana ay wadaan qorshayaal lagu xoojinayo xiriirka labada dal.

Sidoo kale, Danjiraha Armenia wuxuu sheegay in dalkiisu uu ka shaqeynayo xoojinta iskaashiga uu la leeyahay Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Bulshada ee Itoobiya, si loo horumariyo dadaallada lagu taageerayo bulshada nugul, gaar ahaan haweenka.

Armenia waxay sidoo kale xiiseyneysaa in ay la shaqeyso Itoobiya dhanka waxbarashada, iyada oo qorsheyneysa in ay fursado u abuurto dhalinyarada hal-abuurka leh iyo kobcinta xirfadaha, iyadoo laga hirgelinayo xarumo waxbarasho oo kala duwan gudaha Itoobiya.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015