Waxaa la qiimeeyey waxqabadka Jidadka DDS

Addis Ababa, Cirir/ Yakaatiit 12/2017 (ENA): Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed ayaa dhagaystay warbixinta waxqabadka jiddadka DDS, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha magaalooyinka iyo mashruuca horumarinta marinnada Jigjiga.


 

Kulankan waxaa ka soo qeyb'galay masuuliyiin ka socotay Wasaaradda Horumarinta Magaalooyinka, Wakaaladda Jiddadka JDFI iyo Xafiisyada Deegaanka ee ay khusayso; Kulankan ayaa lagu falanqeeyay horumarka la gaadhay lixdii bilood ee la soo dhaafay, caqabadaha jira iyo daddaallada dardargelinta shaqooyinka socda.

Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed ayaana masuuliyiinta kula dardaarmay xoojinta meelaha guulaha horumarineed laga gaadhay, sixitaanka caqabadaha jira, iyada oo la dadajinayo mashruucyada socda si loo fududeeyo isku socodka iyo horumarinta magaalooyinka iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015