Itoobiya ayaa in ka badan 20 mashruuc ka fulinaysa Hindisaha Horumarinta Geeska Afrika – Wasiir Axmed Shide - ENA Af-Soomaali
Itoobiya ayaa in ka badan 20 mashruuc ka fulinaysa Hindisaha Horumarinta Geeska Afrika – Wasiir Axmed Shide

Addis Ababa: Cirir/Yakaatiit 11,2017(ENA)-Wasiirka Maaliyadda Axmed Shide, ayaa sheegay in Itoobiya ay ka fulinayso in ka badan 20 Mashruuc oo ku aaddan Horumarinta Geeska Afrika.
Shir Madaxeedka Hindisaha Horumarinta Geeska Afrika ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiirada Maaliyadda ee dalalka xubnaha ka ah iyo hay’adaha horumarinta.
Shirkaas waxa sharaxaad ka siiyey Wasiirka Maaliyadda Axmed Shide.
Axmed Shide ayaa sharaxaadiisa ku sheegay in hindisaha horumarinta Geeska Afrika uu diiradda saari doono kaabayaasha dhaqaalaha, caafimaadka, dhimista abaaraha iyo dhinacyo kale.
Waxa kale u tilmaamay in hindisahani uu quseeyo Itoobiya, Kenya, Soomaaliya, Jabuuti, Suudaan iyo Koonfurta Suudaan.
Waxa uu sheegay in shirkan dib eegis ku sameeyay dhaqaalihii laga soo uruuriyay hay’adaha wada shaqaynta la leh iyo waxqabadka mashaariicda.
Waxa uu tilmaamay in ilaa hadda la uruuriyay lacag dhan 9.7 bilyan oo dollar, isla markaana ay Itoobiya meel fiican ka marayso dhanka waxqabadka.
Wuxuu sheegay in taasi ay Itoobiya u ogolaatay in hantidii la uruuriyay ay ka hesho lacag dhan 3 bilyan oo dollar.
Waxa uu sheegay in Itoobiya ay ka fulinayso in ka badan 20 mashruuc oo horumarinta Geeska Afrika ah.
Mashaariicda socda waxa ka mid ah waddooyinka, korontada iyo kaabayaasha dhijitaalka ah ee isku xidhaya Addis-Ababa-Jabuuti, Addis Ababa-Barbara, Me'ayso-dirdhaba inay tusaale u yihiin mashaariicdaas.
Waxa uu tilmaamay in mashaariicda horumarineed ee ay hindisaha ee kasocda itoobiya muhiim u yihiin in ka badan hal waddan.
Waxa uu sheegay in shirkan lagu dajiyay qorshe lagu xoojinayo iskaashiga dalalka xubnaha ka ah, waaxaha waxbarashada iyo dhinacyada kale iyadoo la xoojinayo xiriirka horumarineed.
Arrintaas ayaa loo adeegsan doonaa sidii loo uruurin lahaa hanti badan.