Doorashada Itoobiya inay xubin ka noqoto golaha nabadda iyo ammaanka ee Midowga Afrika ayaa door muhiim ah ka ciyaari doonta xaqiijinta nabadda iyo ammaanka qaaradda - ENA Af-Soomaali
Doorashada Itoobiya inay xubin ka noqoto golaha nabadda iyo ammaanka ee Midowga Afrika ayaa door muhiim ah ka ciyaari doonta xaqiijinta nabadda iyo ammaanka qaaradda

Addis Ababa; Cirir/Yakaatit 12/2017 (ENA): Madaxa howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya Maxamed El-Amini Suf ayaa sheegay in Doorashada Itoobiya ee xubinnimada Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa door muhiim ah ka ciyaarta xaqiijinta nabadda iyo xasilloonida qaaradda.
Itoobiya ayaa loo doortay xubin ka mid ah Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika shirkii 46-aad ee Golaha Fulinta ee Midowga Afrika.
Madaxa howlgalka, Mohammed El-Amini Suf, ayaa u sheegay ENA; in Doorashada Itoobiya oo ah xubin golaha ayaa wax weyn ku soo kordhinaya gobolka oo kaliya balse waxay sidoo kale ka qayb qaadanaysaa nabadda iyo xasiloonida Afrika.
Waxa kale oo uu sheegay in Itoobiya ay aqoonsanayso shaqada ay ka qaadatay nabadda iyo nabadgelyada qaaradda iyo sidoo kale hawlaha horumarineed ee ay ka waddo qaaradda.
Waxa uu sheegay in doorashada Itoobiya ee xubinimada golaha ay muhiimad weyn u leedahay dhammaan qaaradda.
Waxa uu tilmaamay in ka-qaybgalka Itoobiya ee nabad ilaalinta dalal kala duwan oo Afrikaan ah ay tahay mid aad loogu riyaaqo. Waxa uu sheegay in dhawaan ay gacan weyn ka geysatay nabad ilaalinta gobolka Darfur.
Wuxuu tilmaamay in Itoobiya ay saamiga ugu badan ku leedahay dalalka kala duwan ee ku howlan ilaalinta nabadda Soomaaliya.
Waxa uu sheegay in maadaama uu Geeska Afrika mansab muhiim ah ku leeyahay caalamka, ay la kulmaan dhibaatooyin badan.
Sidaas darteedna, in joogitaanka Itoobiya ee halkan uu yahay arrin aad muhiim u ah, wuxuuna sheegay in haddii Geeska Afrika uusan xasilin uu cadaadis saarayo caalamka oo dhan.
Sidan oo kale, waxa uu tilmaamay in doorka ay Itoobiya ka qaadatay nabadaynta iyo xasiloonida gobolka uu yahay mid muhiim ah.