Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa la kulmay dhiggiisa Norway waxayna wadahadlay nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika - ENA Af-Soomaali
Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa la kulmay dhiggiisa Norway waxayna wadahadlay nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika

Addis Ababa, Cirir/yekatit 12, 2017 (ENA):- Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya, Dr. Gedion Timothewos, ayaa la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Norway, Espen Barth Eide, si ay uga wadahadlaan arrimaha nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika.
Xogta laga helayo Wasaaradda Arrimaha Dibadda,ayaa sheegaysa in labada wasiir ay sidoo kale is-dhaafsadeen aragtiyo la xiriira iskaashiga labada dal ee dhinacyada la dagaallanka isbeddelka cimilada iyo horumarinta dhaqaalaha cagaaran.
#Ethiopian_News_Agency #ENA #Ethiopia