Itoobiya iyo Ruushka ayaa ka wada shaqaynaya xoojinta xidhiidhka taariikhiga ah ee ganacsiga iyo maalgashiga – Afhayeenka Golaha Fadareeshinka mudane Aganyahu Teshager

Addis Ababa, Cirir/yekatit 12, 2017 (ENA): Afhayeenka Golaha Fadareeshinka mudane Aganyahu Teshager ayaa sheegay in
 Itoobiya iyo Ruushka ay ka wada shaqaynayaan xoojinta xidhiidhka taariikhiga ah ee ganacsiga iyo maalgashiga.

Mudane Aganyahu Teshager ayaa maanta kulan la yeeshay afhayeenka Golaha fadareeshinka ee ruushka, Valentina Matviyenko.

Isagoo ka hadlaya kulanka, Afhayeenku wuxuu xusay in itoobiya iyo Ruushku ay leeyihiin xiriir taariikhi ah oo xooggan oo soo jiray qarniyo badan.

Wuxuu tilmaamay in labada dal ay ka wada hadleen arrimo ku saabsan xoojinta xiriirkooda siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho, isagoo xusay in uu la kulmay wafdi ay hoggaaminaysay Valentina Matviyenko.

waxa uu sheegay in kulamada ay diiradda ku saareen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dal ee dhinacyada maalgashiga, tignoolajiyada, caafimaadka, tamarta, amniga xogaha iyo tiknoolajiyada isgaarsiinta.

Sidoo kale, Afhayeenka wuxuu xusay in iskaashiga baarlamaanada labada dal uu marayo marxalad horumarsan, loona baahan yahay in la sii xoojiyo.

Wuxuu caddeeyey in labada dhinac ay is-afgarad ka gaareen arrimo muhiim ah oo lagu xoojinayo xiriirka labada dal.

Wuxuu intaas ku daray in Shirkada Ethiopian Airlines ay duullimaadyo ku tagto Ruushka, taasoo fursad u abuurtay in si sahlan loo safro loona gaadhsiiyo badeecadaha.

Ugu dambeyn, wuxuu hoosta ka xarriiqay in dadaallada lagu xoojinayo xiriirka ganacsiga iyo iskaashiga ganacsatada labada dal ay sii socon doonaan.

#Ethiopia
#Ethiopian_News_Agency #ENA

Wakaalada Warka Itoobiya
2015