Wada-hadal ku saabsan qodobbadii farsamada ee heshiiskii Ankara ayaa la qabtay - ENA Af-Soomaali
Wada-hadal ku saabsan qodobbadii farsamada ee heshiiskii Ankara ayaa la qabtay

Addis Ababa; Cirir/Yakaatit 12/2017 (ENA): Waxaa maanta magaalada Ankara ee dalka Turkiga ka furmay wada-hadalkii u dhaxeeyay dowladaha Itoobiya iyo Soomaaliya, kaasi oo looga hadlayay arrimaha farsamada ee heshiiskii Ankara.
Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya, Gedhiyon Timotiyos (Dr.) iyo wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar ayaa ka qeyb galay wada-hadalkan iyadoo u fududeeyay wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidaan.
Sida xogta aan kuhelnay wasaarada arimaha dibada labada masuul ayaa isla soo qaaday in heshiiskan laga shaqaynayo si loo gaaro dano guud.
Waxa uu sidoo kale uga mahad celiyay Turkiga dadaalka ay ugu jiraan isku soo dhaweynta labada dal, islamarkaana ay ka wada tashadaan arrimahooda ay wadaagaan.
Waxaa la xasuustaa in bilowgii bishii December ee la soo dhaafay, Ankara ku kulmay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.) iyo Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, waxayna saxiixeen heshiiska.