Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Boqortooyada Midowday oo booqatay Ethiopian Airlines

Addis Ababa, Cirir/ Yakaatiit 1/2017 (ENA): Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Boqortooyada Ingiriiska, Angela Rayner, ayaa booqatay shirkadda diyaaradaha ee Ethiopian Airlines.


 

Intii ay booqashada ku jirtay, wafdigeeda waxay kormeer ku sameeyeen Jaamacadda Duulista Hawada ee Itoobiya, xarunta dayactirka diyaaradaha, iyo qeybta tababarka duuliyeyaasha halkaas oo ay ku arkeen sida tababarka wax-ku-oolka ah loogu bixinayo duuliyeyaasha.

Sida laga soo xigtay Ethiopian Airlines, shirkaddu waxay si joogto ah ugu adeegtaa Boqortooyada Midowday iyadoo toddobaadkii 16 duullimaad ku taga magaalooyinka London Heathrow, London Gatwick, iyo Manchester, taasoo gacan ka geysaneysa kobcinta xiriirka bulshada, dhaqaalaha, iyo dhaqanka ee labada dal.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015