Biyo-xireenka Weyn ee Itoobiya waa mashruuc xaqiijinaya faa’iido wadaaga wadamada gobolka – Madaxweyne Taye Askesilaase

Addis Ababa, Cirir/yekatit 15, 2017 (ENA): Madaxweynaha JDFI, Taye Askesilaase, ayaa sheegay in Biyo-xireenka Weyn ee Itoobiya (GERD) uu yahay mashruuc xaqiijinaya faa’iidada wadajirka ah ee dalalka deriska la ah.

Madaxweynuhu waxa uu ugu baaqay waddamada wabiga Niil inay xoogga saaraan dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga si loo gaaro horumar waara.

Munaasabadda xuska 19-aad ee Niilka ay lagu xusay halkudhiga “Xoojinta Iskaashiga Niil si loo wajahdo isbeddelka cimilada iyo horumar wadajirka ah” isga oo lagu qabtay xuskan Matxafka Sayniska ee Addis Ababa.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeedinayay munaasibada ayaa xusay in Biyo-xireenka Weyn ee Itoobiya uu xaqiijinayo xuquuqda Itoobiya ee horumarka iyo sidoo kale kor u qaadaya faa’iidada wadajirka ah ee waddamada ku teedsan wabiga Niil.


 

Wuxuu tilmaamay in biyo-xireenka uu kaalin weyn ka qaadan karo xaqiijinta maaraynta biyaha, xakameynta fatahaadaha iyo abaaraha, iyadoo la sii xoojinayo fursadaha horumarineed.

Sidoo kale, wuxuu carrabka ku adkeeyay in biyo-xireenka uu yahay ilo tamar koronto oo weyn oo ay ka faa’iideysan kara waddamada deriska ah si ay u helaan koronto qiima yar oo joogta ah.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in wabiga Abay (Niil) uu yahay astaan horumar iyo rajo, isagoo ku baaqay in waddamada wabiga ka faa’iideysta ay si cadaalad ah uga faa’iideystaan biyaha isla markaana ay wadajir uga shaqeeyaan horumar waara.


 

Wasiirka Biyaha iyo Tamarta Itoobiya, Injineer Habtamu Itefa (Dr.), ayaa dhankiisa sheegay in waddamada wabiga Niil looga baahan yahay inay qaataan qorshayaal mideysan oo lagula tacaalayo isbeddelka cimilada iyo in la dardargeliyo iskaashiga.

Wuxuu xusay in qorshayaasha deegaanka cagaaran iyo mashaariicda horumarineed ee Itoobiya ay leeyihiin faa’iido guud oo gaaraysa waddamada wabiga ka faa’iideysta.

Madaxweyne Taye ayaa sidoo kale ugu baaqay waddamada wabiga Niil inay si mas’uuliyad leh uga shaqeeyaan xoojinta iskaashiga si loo gaaro horumar waara oo dhexmara dhammaan dalalka wabiga ku tiirsan.


 

Agaasimaha guud ee hindisaha iskaashiga wabiga Niil, Dr. Florence Adongo, ayaa sheegtay in xuska maalinta Niil uu dhiirrigelinayo waddamada wabiga inay si wadajir ah uga shaqeeyaan horumarka iyo ilaalinta deegaanka.

Waxay ku baaqday in waddamada ay xoojiyaan iskaashigooda si loo maareeyo kheyraadka biyaha oo si hufan loo xaqiijiyo horumar midaysan.

#Itoobiya
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015