Shirkada Isgaadhsiinta ee Ethio Telecom ayaa ka bilaabay adeegga jiilka shanaad (5G) magaalooyinka Dessie iyo Kombolcha

Dhase, Cirir/yekatit 15, 2017 (ENA) – Shirkada Isgaadhsiinta ee Ethio Telecom ayaa si rasmi ah uga hirgelisay adeegga jiilka shanaad (5G) magaalooyinka Dessie iyo Kombolcha.

Munaasabadda daahfurka adeeggan oo ay kasoo qaybgalay Maareeyaha Guud ee shirkada Ethio Telecom, Frehiwot Tamiru, ayaa sheegtay in shirkadu ay adeega jiilka shanaad (5G) ay bixineyso kaas oo xawaare iyo tayo sare leh.

Waxay sidoo kale xustay in Ethio Telecom ay ka shaqeyneyso sidii adeeggan 5G looga fidin lahaa guud ahaan dalka si loo helo isku xirnaan casri ah.


 

Hirgalinta adeeggan ayaa gacan ka geysanayaa kor u qaadida awoodda isgaadhsiinta, wuxuuna abuurayaa fursado cusub oo dhanka adeegyada dijitaalka ah iyo dhaqaalaha ah, waxbarashada onlineka, kobcinta ganacsiyada yaryar, abuurista shaqooyin cusub, dhimista farqiga dijitaalka ah, iyo kor u qaadista adeegyada taleefannada casriga ah.

Sidoo kale, adeeggan waxa uu faa’iido weyn u leeyahay qeybaha caafimaadka, beeraha, waxbarashada, warshadaha, macdanta, gaadiidka, dalxiiska, iyo adeegyo kale oo muhiim ah.

Waxaa sidoo kale la ogsoonyahay in Ethio Telecom ay dhowaan adeegga 5G ka hirgelisay magaalada Jimma.

#Ethiopian_News_Agency
#ENA

Wakaalada Warka Itoobiya
2015