Itoobiya ayaa kor u qaadaysa ka Faa'iidsiga Dhaqaalaha ay ka hesho bunka – Ra'iisul Wasaare Ku-Xigeenka Tamasgen Tiruneh - ENA Af-Soomaali
Itoobiya ayaa kor u qaadaysa ka Faa'iidsiga Dhaqaalaha ay ka hesho bunka – Ra'iisul Wasaare Ku-Xigeenka Tamasgen Tiruneh

Addis Ababa, Cirir/yekatiti15, 2017 (ENA): Ra'iisul Wasaare ku-xigeenka dalka, Tamasgen Tiruneh , ayaa sheegay in Itoobiya, oo ah dalka ugu balaadhan ee soo saara bunka Afrika, ay sii waddo dadaallada lagu xoojinayo faa'iidada dhaqaale ee ay ka hesho wax-soo-saarka bunka, iyada oo guulo ka gaartay dib-u-habeynka lagu sameeyay warshadaha bunka.
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenku waxa uu sheegay in Itoobiya ay caan ku tahay soo saarista bunka tayo sare leh oo leh dhadhan gaar ah, sida bunka Arabica, taas oo ka dhigaysa mid si weyn loo jecel yahay caalamka.
Hadalkan ayuu ka jeediyay shirkii 3-aad ee G-25 ee wadamada Afrika ee soo saara bunka oo ka dhacay magaalada Dar es Salaam ee dalka Tansaaniya.
Shirkan ayaa lagu falanqeeyay qorshayaasha lagu xoojinayo awoodda wax-soo-saarka bunka ee dalalka Afrika, laguna gaaray go’aanno lagu horumarinayo iskaashiga iyo cilmi-baarista ku saabsan bunka.
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa sheegay in Itoobiya, oo ah hormuudka soo saarka kafeega Afrika, ay hirgelisay dib-u-habeyn ballaaran si loo kordhiyo dakhliga ka soo baxa wax-soo-saarka bunka, taas oo durba keentay natiijooyin la taaban karo.
Shirka oo halku-dhiggiisu ahaa "Kordhinta Warshadaha Kafeega Afrika iyo Abuurista Fursado Shaqo oo Dhalinyarada" ayaa sidoo kale lagu gorfeeyay sida loo horumarin karo warshadaha bunka iyo sida loo abuuri karo fursado shaqo oo dheeraad ah oo loogu talagalay dhalinyarada.
Itoobiya ayaa sidoo kale ku guuleysatay martigelinta shirka afraad ee G-25 ee wadamada Afrika ee soo saara kafeega, kaas oo lagu qaban doono magaalada Addis Ababa sanadka 2019, kaddib codsi ay u gudbisay shirka.
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Tamasgen tiruneh ayaa sheegay in Itoobiya ay fursaddan u aragto masuuliyad weyn oo ay si hufan uga faa'iideysan doonto.
#Ethiopian_News_Agency #ENA #Itoobiya #Bunka #Waxsoosaarka