Madaxweyne Ku xigeenka Xisbiga barwaaqo mudane Aadan Faarax ayaa ka qeybgalaya shirweynaha xisbiga AK ee Turkiga isagoo ku sugan Ankara

Addis Ababa, Cirir/Yakaatiit 15, 2017 (ENA) – Madaxweyne ku xigeenka xisbiga Barwaaqo, mudane Aadan Faarax , ayaa gaadhay magaalada Ankara ee dalka Turkiga si uu uga qeyb galo shirweynaha guud ee xisbiga AK Party.

Markii uu gaadhay Ankara, Madaxweyne ku xigeenka waxaa si diirran u soo dhaweeyay madax sare oo ka tirsan xisbiga AK iyo safiirka Itoobiya ee Turkiga, mudane Adan Maxamed, iyo madax kale oo ka tirsan safaaradda Itoobiya.

Shirweynaha guud ee xisbiga AK Party ayaa si rasmi ah u bilaaban doona berri.

Xisbiga barwaaqo ayaa la filayaa inuu ka qeybgalo shirweynaha isagoo matalaya matalaya madaxweynaha xisbiga barwaaqo, mudane Aadan Faarax ka dib casuumaad rasmi ah oo xisbiga AK Party uga timid.

Bishii hore, xisbiga AK Party waxa uu sidoo kale ka qeybgalay shirweynihii 2aad ee xisbiga barwaaqo iyada oo uu matalayay Madaxweyne ku xigeenka xisbiga AK, Zafer Sirakaya.

Sidoo kale, labada xisbi ayaa qorsheynaya inay kala saxiixdaan heshiis wada shaqeyn ah oo ku saabsan arrimo kala duwan si ay xiriirkooda u sii xoojiyaan.

Tallaabadan ayaa ah mid sii xoojinaysa xiriirka labada xisbi, waxayna fursad u siinaysaa in xiriirka Itoobiya iyo Turkiga ee dhinacyada dawladda iyo shacabka in uu gaaro heer sare.

Waxaa sidoo kale la rumeysan yahay in xiriirka xisbiga barwaaqo iyo xisbiga AK Party uu noqon doono jid muhiim ah oo lagu sii xoojinayo iskaashiga taariikhiga ah ee labada dal.

#Ethiopian_News_Agency
#Itoobiya
#ENA

Wakaalada Warka Itoobiya
2015