Itoobiya ay diyaar u tahay in ay u gudubto weji cusub oo ay iskaashi laba geesood ah oo ay la leedahay Boqortooyada midowday. – Gideon Timotiwos (Dr.) - ENA Af-Soomaali
Itoobiya ay diyaar u tahay in ay u gudubto weji cusub oo ay iskaashi laba geesood ah oo ay la leedahay Boqortooyada midowday. – Gideon Timotiwos (Dr.)

Adis Ababa, cirir/yakaatit 15, 2017 (ESlNA): Wasiirka arrimaha dibadda Gideon Timotiwos (Dr.) ayaa sheegay in Itoobiya ay diyaar u tahay in ay u gudubto weji cusub oo ay iskaashi laba geesood ah oo ay la leedahay Boqortooyada midowday.
Shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda ee dalalka G-20-ka dal oo ka socda magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika ayaa maalintii saddexaad galay tan iyo markii uu furmay.
Wefdiga ka socda Itoobiya ee uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibadda Gideon Timotiwos (Dr.) ayaa wada-hadallo laba geesood ah la yeeshay dalal iyo hay’ado caalami ah oo ay barbar socdeen ka qaybgalka kulanka.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa wadahadalo la yeeshay David Lammy, Xoghayaha Arrimaha Dibadda, Barwaaqo-sooranka iyo Horumarinta ee Boqortooyada midowday.
Labada wasiir ayaa is dhaafsaday fikrado la xiriira arrimaha dalka, gobolka iyo kuwa caalamiga ah oo ah danaha ay wadaagaan labada dal.
Gideon (Dr.) waxa uu sheegay in Itoobiya ay diyaar u tahay in ay u gudbiso wadashaqayn waarta oo midho-dhal leh oo ay la leedahay Boqortooyada midowday una gudubto marxalad cusub.
Waxa uu sheegay in fursadaha baaxadda leh ee ay Itoobiya ka haysato dhinaca ganacsiga iyo maalgashiga ay labada dal u sahli doonto xoojinta iskaashigooda.
Sida xogta aan kuhelayno wasaaradda arrimaha dibadda labada dhinac ayaa isku afgartay in si dhow looga wada shaqeeyo arrimaha keenaya kobaca dhaqaalaha iyo in la xaqiijiyo faa’iidada labada dhinac si kor loogu qaado xiriirka adag ee ka dhaxeeya dalalka.
Waxaa la og yahay in Wasiirka Arrimaha Dibadda Gideon Timotiwos (Dr.) uu kala hadlay Wasiirka Arrimaha Dibadda Hindiya Subrahmanyam Jaishankar iyo Wakiilka Sare ee Midowga Yurub ee Arrimaha Dibadda iyo Siyaasadda Amniga iyo Madaxweyne Ku-Xigeenka Midowga Yurub Kaja Kalas.