Waxaa safar shaqo ku tagay Soomaaliya wafdi uu hoggaaminayo Fildh Marshaal Birhanu Jula

Addis Ababa, Cirir/ Yakaatiit 15/2017 (ENA): Wafdi ka socda Itoobiya oo uu hoggaaminayo FieldFildh Marshaal Birhanu Jula, ayna ka mid yihiin Agaasimaha Guud ee Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka Itoobiya Danjire Redwan Hussein iyo masuuliyiin sare oo kale, ayaa booqasho shaqo oo hal maalin ah ku tagay Soomaaliya.

Booqashadan ayaa timid kadib markii Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed (Dr.) iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ay ku heshiiyeen in wadahadal farsamo lagu qabto Muqdisho, kadib shirkii ay bishii Febraayo 14-16 ku yeesheen Addis Ababa.

Taliyaha Ciidanka Difaaca Soomaaliya Major Jeneral Odowaa Yuusuf Raage iyo Agaasimaha Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Cali ayaa wafdiga soo dhaweeyay, kana wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal.


 

Labada dhinac waxay adkeeyeen sida ay uga go’an tahay xoojinta iskaashiga labada waddan iyo sidii loo sugi lahaa nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika iyo guud ahaan qaaradda Afrika.

Waxaa sidoo kale laga wada hadlay xaaladda amniga ee Soomaaliya iyo dadaallada lagu ciribtirayo Al-Shabaab, iyada oo la xusay doorka muhiimka ah ee ay Itoobiya ka qaadatay dadaallada nabad-ilaalinta Soomaaliya tan iyo 2007, iyadoo ay qayb ka tahay hawlgalka ATMIS (horey u ahaan jiray AMISOM).

Wafdigu wuxuu si diirran u soo dhaweeyay bilowga howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), iyagoo xusay in talaabadani ay muhiim u tahay sii ambaqaadidda guulihii ATMIS.

Ugu dambayntii, Ciidanka Difaaca Itoobiya ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay la dagaallanka argagixisada iyo taageerida nabadda Soomaaliya, iyagoo ugu baaqay beesha caalamka in la xoojiyo taageerada lagu dhisayo awoodda ciidanka Soomaaliya si ay mas'uuliyadda amnigeeda u hanato.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015